Haddii Aad Arimahaan U Sameyso Gacalisadaada Wallee Indho Aan Adiga Aheyn Ma Yeelaneyso Waliba Duco Ayay Kugu Dareysaaa

43 Viewed nasteexa 0 respond

Ragg badan ayaa gees marsan in lamaanayaashooda u muujiyaan falal Romantic ah qaarkood maba garanaayan halka qaar kalana iska ilaawsan yihiin , hadaba shabakada arimaha qosyka ee Nasteexa.com ayaa ku siineysa habab Romantic oo ah haweenka jecel yihiin .

1-Dareensii In Mar waliba Ay Tahay Xeendaabka Noloshaada kaagana muhiimsan tahay shaqada iyo dhamaan asxaabtaada .

2- Ka Dhig Baqaarka Aad Sirtaada Ku Xareyso ,u sheeg rajooyinkaada mustaqbalka aad leedahay dhanka shaqada iyo noloshaba , ka dhig in ay kaala qeyb qaadato riyooyinkaada iyo rajooyinkada mustaqbalka

3- U Raac Goobaha Laga Adeegto : waxaa baaritaan shabakada arimaha qoyska Maandeeq.net sameysay lagu ogaaday in haweenka ay aad uga helaan arintaas, waa la dareemi karaa in aadan heli karin inta badan waqti inta ay dukaameysiga ku jirto kula socoto balse u dareen in ay tahay naf huris ee u samee .

4- Ha Iloobin Munaasabadaha , sida taariikhda guurkiina , dhalashada caruurta , ogoow in aad iloowdid xilliga guurkiina waxa ay haweenka ula mid tahay yasid dhanka jaceylka ah iyo in aadan qadarineyn ee ninyahoow munasabadaha xasuusta idin leh xasuusnaaw

Amaan : ha iloowin in aad u sheegto in ay ugu qurux badan tahay waxii haween aad aragtay waa ay ku rumeeysaneysaa markaas in ay hadalka liqdo ayay xishood la dhaceysaa ee wax waliba oo ay ku sameysana ugu mahad celi .
Indhaheeda Fiiri Marka aad la hadleyso : waxad ku arkeysaa arin ka yaabineysa waxaana ku xaqiijinayaa in ragga in ay dhabrka u sii jeediyaan xaasaskooda marka ay la hadlayaan.

Hadaad ogaan laheyd fiirinta indhaheeda in dhankeeda wax waliba ay uga qiimo badan tahay , fiirinta indhahaada waxa ay ka dhex arkeysaa ixtiraamka iyo jaceylka aad u hayso .

5- Kaga Nixi Hadiyad Aysan Filaneyn : waa nooca Romantic ah ee ay haweenka ugu jecel yihiin .

6- Inta Dadka Hortooda Ku Amaanto Una Muujiso Jaceylka aad u qabto : tani waa marqaati ma doonto in ay farxad middii ugu dambeysay ay gilineyso .

Hadaba ninyahoow Romantic noqo oo munaasabad iyo bilaa munaasabadba qabso gacanteeda taasi waxa ay dareensiineysa deganaasho iyo raaxo .

Ka qaad timaha wajiga ka soo saarma marka aad wada hadleysaan marka ay ku soo eegtana ku dheh waan ku jeclahay.

Marka ay ooyneyso oo ay jiraan wax ku qasbaay taasi ka tir tir ilinta oo dhunko dhabanadeeda iyo gacmaha una muuji in ay tahay nimco uu ALLE SWT uu ku maneyst

Your comment?
Leave a Reply